Yuusuf Daba geed Oo Xafiiskii Gobolka Hiiraan Isagoo Ka Maqan Xaflad Xil wareejin Lagu Qabtay

0

Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa maanta warbaahinta la hadlay isagoo dhex fadhiya Xafiiska Maamulka Gobolkaasi.

34 Maalin kadib ayey aheyd markii ugu horeysay oo Xaruntii Gobolka Hiiraan tego oo uu ku shaqeeyo,taas oo la leeyahay waxaa ay ku qaadatay HirShabelle Qancinta Yuusuf Daba geed.

Cali Caraale ayaa sheegay in Dadweynaha Gobolka ku dhaqan wixii maanta ka dambeeya ay shaqada caadi tahay oo ay Xafiiska kusugan yihiin.

Xilliga uu saxaafada la hadlayey Gudoomiye Caraale waxaa hareerihiisa fadhiyey Gudoomiye kuxigeenada taas oo ka dhigan in Awood ay HirShabelle Xilka uga wareejisey Yuusuf Daba geed.

Ma uusan tegin Yuusuf Daba geed Xaruntaasi ay Mas’uuliyiintani shirka jaraa’id ku qabteen,warar ayaa sheegaya in si hoose loo xaliyey khilaafkii ka dhex jiray Madaxweyne Waare iyo Daba geed.

Dhinaca kale warar soo baxay ayaa sheegaya in Daba geed uu diidan yahay ilaa hadda xil wareejintaasi sida muuqatana inuusan tegin maanta Xafiiska Gobolka oo Caraale iyo xubnaha Maamulkaasi waxay ka dhigan tahay in uu saluug jiro.