Yuu taageeri doonaa murashax daahir geelle kadib markii uu ka haray Doorashada?

0

Murashax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa iskaga haray tartanka doorashada madaxweynaha soomaaliya ka hor doorashada berri loo ballansan yahay inay dhacdo.

Qoraal uu soo geliyey Daahir geelle bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyey inuu iskaga haray doorashada isagoo shaaca ka dhigay shakhsiga uu codadka xildhibaanada uu heysto ugu shubi doono.

Ilo wareed ay heshay Warqaad ayaa ku waramaya in Daahir Geelle uu taageerayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida ay xaqiijiyeen koox katirsanaa ololihiisa.

SHAACIN KA HARITAANKA TARTANKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA 10-AAD EE JFS.

Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha ololahayga murashaxnimo.

Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.

Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.

#Geelle2022

#Geelle2021