Xukun lagu riday ninkii dharbaaxay Madaxweynaha Faransiiska & Hadal heynta taagan

0

Maxkamad ku taalla Dalka faransiiska ayaa xukun Afar bilood ah garka ugelisey ninkii dharbaaxay Madaxweyne Emanuel Macron.

Maxkamada ayaa usababeysay in ninkaasi dhalinyarada ahaa uu gaaray meel dimoqraadiyada dalka utaallay sumcad xumo uu usoo jiiday.

Talaadadii isbuucaan ayaa 28 sano jirkaan waxa uu dharbaaxo la dhacay Madaxweyne Macron xilli uu salaan gacanta ah dhex qaadayey taageerayaashiisa Gobol ku yaalla Koonfurta Dalkaasi.

Damien Tarel, ayaa la arkayey isagoo gacanta qabanaya Madaxweynaha kadibna dharbaaxo la dhacaya Muuqaaladii la duubay 8-deedii Bishaan oo maalin ka hor ku beegan markii ay dhacadad Macron qabsatay.

Markii hore Maxkamada ayaa 18 bil oo udhiganta Hal Sano iyo Bar ku xukuntay ninkaan hayeeshee Racfaan uu qaatay kadib Afar bil oo bilaa racfaan ah ku riday.