Xubno Daacish oo Qorshe halis ah maleegayay oo gacanta lagu dhigay

0

Ciidamada Nabad sugida iyo Srirdoonka Qaranka “NISA’ ayaa gacanta  ku soo dhigtay labo ruux oo lagu eedeeyay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab kuwaasoo doonayay inay dilal ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Ciidamada NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay duleedka magaalada Muqdisho ayaa u suurta gashay iney soo qabtaan xubno ka tirsan Daacish oo maleegayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay Taliska NISA.

Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka “NISA” ayaa sheegay  in howlgalkan uu ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Qoraal lagu daabacay Twitter-ka NISA, ayaa lagu sheegay in xubnaha la soo qabtay ay damacsanaayeen iney dil u geystaan dad Shacab ah.

“Howgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi” ayaa lagu yiri War kasoo baxay NISA.

Tan iyo markii uu xilka agaasime ku-xigeenka Hay’adda NISA uu la wareegay Fahad Yaasiin ayaa Barta Twitterka ee Hay’adda lagu soo bandhigayay qoraalada xubno Al-Shabaab oo la soo qabtay iyadoo aan la socon wax cadeymo ah.