Xubin sare oo Shabaab ah oo u gacan gashay NISA

0
10

Garsoore beenaadkii Khawaarijta Al-Shabaab ahna Lataliyihii horjoogaha guud ee khawaarijta oo soo galay gacanta dowladda

 

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay xubin sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab kaas oo xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda.

 

Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-shabaab dhexdooda looga yaqaano, Abuu-Saacid ama Shariif, Xilalka uu Khawaarijta Al-Shabaab kasoo qabtay waxa kamid ahaa qaaddiga Maxkamad beenaadka Gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Khawaarijta Al-Shabaab iyo Lataliyihii horjoogihii la khaarijiyay ee Axmed Godane. Madaxii Zakawaadka Gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab.

 

Ugu dambeyn horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA.