Xubin Laf dhabar u ahaa Kenya Hal Arin Soomaaliya Ah Oo Si Kedis Ah Udhintay+Shaki In La Sumeeyey

0

Shaki ayaa durba kasoo baxaya geerida Madaxii baaritaanka Haweeneydii Dawlada Kenya uqaabilsaneyd Dalkaas Weerar Al Shabaab ka geysteen sanadkaan Gudaha dalkaasi.

Haweeneydani ayaa waxaa ay mar keliya dareentay xanuun bogga ah,islamarkaana matag ayey sameysay deg deg ayaana loola cararay Cusbitaalka ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee Nairobi.

Sargaal uhadlay ciidamada Booliska ayaa sheegay in daqiiqado kadib baxnaano loo sameenayey ay nafta ka baxday Haweeneydaasi Qeybta la dagaalanka Argagaxisada ka mid aheyd.

Wargeys ka mid ah kuwa Kenya ayaa xaqiijiyey geerida Monica Wumbui oo saacado ka hor kasoo laabatay Safar ay ku tagtay Dalka Japan.

“Markii ay joogtay Dubai oo ay ku hakatay Saacado ayey Booliska lasoo wadaagtay inay caafimaad ahaan taam aheyn,waxay sheegtay inay laabta xanuun ka dareemeyso,markii ay diyaarada Itoobiyaan Airline soo raacday oo ay nairobi timidna xanuunka waa uu kusii siyaaday,kadibna saacado waa ay geeriyootay,sidaa waxaa sheegay sargaal katirsan Laamaha Amnaanka Kenya”.

Waxay madax u aheyd Haweeneydani geeriyootay Saraakiil baaris ku hayey weerarkii Al Shabaabka Soomaaliya ku qaadeen Bishii Janaayo sanadkaan Hoteelka loo tamashlo tego Ee Dusit2 Ee Nairobi,waxaana laga yaabaa in lasumeeyey Haweeneydani waloow weli baaritaan dhimashadeeda waxa sababay lagu jiro.