Xubin Katirsanaa Nabad & Nolol oo taageeray Qorshaha Villa Somalia

0

Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare Cali) ayaa bogaadiyey guulaha ciidamada XDS kasoo hooyeen dagaalka lagu xoreeyey deegaanada Al Shabaab kusugnaayeen gobolka Hiiraan.

Hoos ka akhriso qoraalka Cali Yare soo qoray

Galabta Baabuurka Baladweyne ka soo baxa ee u socda Buuloburde oo 120KM u jirta xataa uma baahna hal askari oo ilaalo ah, waana nadiif, Alle ka dib, Mahad haka gaarto Ciidanka Xoreeynta Deegaanka (Macawisleey) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Hadda waxaa la soo gaaray xilligii ay xabaddu si saf ballaaran ah u billaabi laheen reer Shabeellada dhexe, Mudug iyo Galgaduud.

Sidoo kale maadaama ay jiraan 4 Urur oo Gorgor iyo Danab ah oo aan weli dagaalka gelin waxaa iyana lagama maarmaan ah in labo aag-dagaal laga kala furo Koonfur Galbeed iyo Jubaland si aanay cadowgu iskugu gurman.

Sidoo kale in dowladdu diyaar garoow xoog leh ka gasho sidii loo diyaarin lahaa xeryo lagu xareeyo Shabaabka dhawaan Koox-kooxda isku soo dhiibi doono oo aan loo ogolaan in ay si sahlan bulshada u dhex galaan oo ay fursad ugu helaan in ay markale dib isku soo abaabulaan.

Soomaaliyeey aan maanta meel dhiganno wixii naga dhexeeyaya ee aan cadowga iska dulqaadno innagoo wadajirna.