Xogta qarsoon shirkii maanta Xasan Sheekh & James Swan Yeesheen

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud aya maanta magaalada Muqdisho waxa uu kulan kula qaatay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Waxay ka wada hadleen dadaallada lagu xaqiijinayo hirgelinta doorashooyinka iyo kaalinta beesha caalamka ee kaalmeynta hay’adaha ku howlan arimahaas .

Qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa internet-ka ayuu Xasan Sheekh Maxamuud kaga hadlay kulanka swan uu la yeeshay isagoo yiri:

Waxaan maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Waxaan ka wada hadalnay dadaallada lagu xaqiijinayo hirgelinta doorashooyinka iyo kaalinta beesha caalamka ee kaalmeynta hay’adaha ku howlan.

Arimaha doorashada iyo diyaar garoow ballaaran ayaa murashaxiinta ay ku jiraan iyadoo toos ay doorashada soomaaliya ubilaabatay si rasmi ah shalay talaadadii.