Xogta Drone-ka Turkey ee wax ka badalay Aaga Dagaalka ee Liibiya iyo SYRIA & Cabsida reer Galbeedka

0

Hadii ay ahaan laheyd dagaalka ka dhanka ah Ciidamadda Rajiimka Asad-ka Syria ee Idlib, ama dagaalka Kooxda Argagaxisada uga diiwaan gashan Turkey ee PKK ama kan hadda ka socda Liibiya ee looga soo horjeedo Dagaal oogaha dalkaas Khalifa Haftar, kaas oo ku guul dareystay qabsashadii Magaaladda Caasimadda ah ee Trimpoli

Intaas oo guulo ah oo uu Turkey gaaray, waxaa u horseeday hal shey oo ah diyaarada Drone-ka Militeri ee ay soo saartay Waaxda Difaaca dalkaas .

Hadaba, Warbixintan oo laga sii daayay Warbaahinta qaranka Turkey, ayaa lagu soo bandhigay qaabka ay Xukuumadda Ankara ugu guuleystay aaga dagaalka ee Liibiya iyo Syria

HOOS KA DAAWO FULL VIDEO

Janaraal Haftar ayaa taageero ka helayay Dalalka Sacuudiga, Imaaraatka, Masar iyo France oo lagu daray Ruushka, Hogaamiyahan ayaa awood ciidan ku haystay magaaladda bariga Liibiya ku taal ee Bangazi , laakiin tan iyo April 2019-kii waxaa uu bilaabay dagaal sokeeye, isagoo awood kula wareegay bartamaha iyo galbeedka dalkaas, Laakiin dowladda ay QM aqoonsan tahay ee dalkaas oo taageero ka heleysa dalalka Turkey, Italy iyo Qatar ayaa awood u yeeshay iney dhabar jabiyaan ciidamadii Haftar.

Waxaa dagaaladii ugu dambeeyay looga saaray deegaano istiraatiiji ah, Salah Bakkaoush oo falanqeeya arimaha Liibiya ayaa sheegay in iinta badan deegaanadda Xeebaha dalkaas aysan jirin cid maamusha isla markaana uu u fasaxan yahay dalalka kale, taas ayaana keentay in Howlgalkii Turkey uu ku qaaday dalkaas uu guuleysto.

Diyaaradaha Dagaalka Turkey ee Drone-ka ayaa dalkaas Liibiya gaaray dhamaadkii 2019-ka, Saraakiisha Turkey ayaana tababar deg deg ah u furay Saraakiil iyo ciidamo Liibiyaan ah si ay ugu howlgalaan diyaaradahaas , tababarkaas ayaana soo dhamaaday ilaa horaantii sanadkan.

Diyaaradaha Turkey ayaa bilaabay iney bartilmaameedsadaan xarumaha Haftar, gaar ahaan aagaga ay isaga gudbaan ama xarumaha muhiimka ah ee isku xira magaalooyinka ay haystaan.

Gaar ahaan Diyaaradaha Turkey ayaa bartilmaameedsaday xarumo ku dhow xaduuda Liiibiya iyo Tunisia iyo saldhigii ay kasoo shidaal qaadanayeen ciidamada Haftar iyo calooshood ushaqeystayaasha lasoo kireystay ee Al Watiya, kaas oo ah garoonka militeri ee ugu weyn ee ku yaal galbeedka Liibiya

Taas ayaa hogaamisay in Wasiirka arimaha gudaha Liibiya uu yiraahdo ”Turkey ayaa ina bad=baadiyay xiligii loo baahnaa”.

Diyaaradda Drone-ka ee Turkiga ayaa sidoo kale caddeeyay in yihiin kuwa halis ah oo dilaa ah isla markaana aad waxtar u leh gaar ahaan intii lagu guda jiray dagaalkii Syria.

Diyaaradda Drone-ka Turkiga waxaa loo adeegsaday kaalmaynta Hawlgalkii Militeri ee dalkaas uu ku galay Sria ee  ‘Spring Shield’ waxaana ay qaadeen howlgalo aargudasho ah oo ka dhan ah xoogaga Rajiimka Asad  kuwaas oo dilay 33 ka mid ah ciidamada Xooga Turkey 27kii Febuary ee Sanadkan markaas oo Bishar AL Asad uu doonayay inuu gacanta ku dhigo Idlib.

Warbixin ay sii deysay Middle Easte institute ayaa shaaca looga qaaday in Rajiimka Asad ay ku jabeen weeraradii ay qaadeen diyaaradaha Drone-ka xataa Ruushka oo garab siinayay ayaa ku dhiiran waayay iney ka hortagaan.

Warbixinta Mac’hadkaas ayaa shaaca looga qaaday in ciidamada Syria laga dilay ku dhawaad 3 kun oo askari, lagana gubay 151 Tank8 diyaaradaha Helicopterka ah Sedex Drone ah iyo Sedex diyaaradaha Ruushka ee SU 24 ah iyo ku dhawaad 100 hubka ciidamada ay isticmaalayeen ah, sidoo kale Waxaa lagu gubay ilaa 8 nadaamyada difaaca cirka iyo dhulka ah.

Hadaba, Warbixintan ayaa sidoo kale, waxaa shaaca looga qaaday Barnaamijka Drone-ka militeri ee Turkey

Barnaamijka Diraadaha Droneka ee Turkey ayaa soo iftiibay xili dalkaas uu doonayay isku filnaasho iyo kordhinta awoodiisa dhanka dagaalka, waxaana ay ku biireen dalalka leh Warshadaha Hubka ee aduunka

Si kastaba, mudo badan oo guul darooyin ay Xukumadda Ankara kasoo hoysay in diyaaradahan ay kasoo iibsato Mareykanka ama Yahuuda, hada Arimahaas oo dhan Ankara kor ayay uga baxday waxaana ay haystaan maanta 107 diyaaradaha aanan cidina wadin ee Drone-ka loo yaqaan waxaana ay ka mid noqotay mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan ee aduunka korkiisa saaran hadda dhanka dagaalka.

Turkey ayaa soo saara noocyada kala duwan ee Diyaaradaha Drone-ka ciidan waxaana ka mid ah: TAI Anka, Bayraktar TB2 iyo Bayraktar Ankinci

Dowladda Turkey ayaa hadda bilowday iney iib geyso qaar ka mid ah diyaaradaheeda, waxaana ay heshiisyo kula jirtaa dalalka Qatar iyo Ukraine.

Madaxweynaha Turkey Erdogan oo hormuud u ah olalalahan awooda dhanka militeriga ayaa sheegay sababta ay diyaaradahan u sameystay ay tahay helida Warshad hubka soo saarta iyo iney isdifaacaan hadii lasoo weeraro.

Si kastaba, Hormarkan ayaa Xukuumadda Ankara u horseedaya iney ku biirto 10-ka dal ee ugu waa weyn ee hub laga iibsado caalamka marka la gaaro sanad guurada 100-aad ee dalkaas oo ku beegan sanadka 2023-da Insha Allah

Isha WarqaadPress

Hassan-kaafi Halane
Warqaadteam@gmail.com