Xogo Muhiim ah oo lagu wareejiyey Soomaaliya & waxay QM Soo gudbisey

0

Xafladii shalay ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa dowladda Soomaaliya lagu wareejiyey xog muhiim ah oo ku saabsan dhulka iyo Biyaha Soomaaliya, hawshaas ay heysay Qaramada Midoobeey.

Waxaa xogtan wareejiyay Mashruuca SWALIM

Haddaba masuul Sare oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay waxa ay tahay xogtani. Akhriso qoraalka inta hoose.

SWALIM ee uu xafiiska Istaatistikada Soomaaliya la soo wareegay, waxaa la asaasay sanadkii 2001.

Magaca waxa laga soo gaabiyay “Somali Water and Land Information Management” (Maamulka Xogaha Dhulka iyo Biyaha ee Soomaaliya).

Sababta loo asaasay waxay ahayd in ay dib u aruuriso oo ay kaydiso xogihii ku dhumay dagaaladii sokeeye ee la aruuriyay 50kii sano ee ka horreysay dagaalkii ahliga ahaa. Waxa kale oo loo yagleelay in ay isha ku hayso xogaha cusub.

Muddadii ay jirtay, hay’addani waxay si weyn u kaydisay macluumaad muhiim ah oo la xariira:

  1. Kheyraadka biyaha (biyaha sare, biyaha hoose iyo waraabka).
  2. Cimillada/saadaasha hawada.
  3. Xogaha abaaraha.
  4. Xogaha daadadka.
  5. Kheyraadka dhulka, sida:
  6. Ciidda.
  7. Dahaarka dhulka.
  8. Adeegsiga dhulka.
  9. Habboonaanta dhulka.
  10. Dhalan-gaddoonka dhulka.

Waxay xogahani u sameysay hab casri ah oo lagu kaydiyo.

Waxa xafiiskan taageera hay’adahan:

  1. Hay’adda Cuntada iyo Biyaha ee Qaramada Midoobey (FAO), oo farsamo ahaan u taageerta.
  2. Midowga Yurub (EU).
  3. Iskaashiga Talyaaniga (IC).
  4. Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Boqortooyada Ingiriiska (DFID).
  5. Xafiiska Maraykanka ee Caawinta Musiibooyinka Dibadda (OFDA).
  6. Sanduuqa Bini’aadamnimada ee Soomaaliya (SHF) ee ka tirsan UN-OCHA.
  7. Dowladda Switzerland.

Tani waxay ku tusinaysaa muhiimadda xafiiskan. Waxuu deeq-bixiyayaasha siiyaa xogo aad u tayo sarreeya oo gacan ka geysanaya dayac-tirka iyo horumarinta kaabayaasha la xariira dhulka iyo biyaha iyo taageeridda dadka ku nool.

Waa guul weyn in Soomaaliya ay la soo wareegtay xafiiskan laf-dhabarka u ah soo kabashada dalka iyo horumarka dowladnimada.