Home WARARKA XOG:Gaari Qaraxyo ay ka buuxaan oo loo soo diray Muqdisho & Jihada...

XOG:Gaari Qaraxyo ay ka buuxaan oo loo soo diray Muqdisho & Jihada tuhunka uu ka jiro oo ciidan la dhigay

0
SHARE

Ciidamada Nabad sugida ee ku sugan Kontarolka Siinka dheer ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wargeliyay iney aad u adkeeyaan amaanka,islamarkaana si adag u baaraan gaadiidka soo galaya magaalada Muqdisho ee ka imaanaya Gobolka Shabeellaha hoose.

Laamaha ammaanka ayaa ka war helay in labo gaari oo ay ka buuxaan walxaha Qarxa ay Al-Shabaab u soo direen magaalada Mudisho,kuwaasi oo ay doonayaan iney Qaraxyo ku fuliyaan.

Xog ay heleen sirdoonka Dowladda ayaa lagu ogaaday in Al-Shabaab labadaasi gaari ee Qaraxyada ay ka buuxaan ay ka soo abaabuleen meel ku dhow degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha hoose,waxaana gawaarida oo ah Nuuca Soomaalida u taqaano NOAH-da ayaa saaran labo darawal,kuwaasi oo laftooda miineysan.

Mid ka mid ah Askarta ku sugan Siinka dheer oo lagu wargeliyay iney ammaanka adkeeyaan ayaa xogtaan la wadaagay Wariyaha Wakaalada Warqaad ee Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa inta badan la aamisan yahay Qaraxyada ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iney ka soo abaabulaan gobolka Shabeellaha hoose halkaasi oo ay ku xooggan yihiin.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE