Home VIDEO S XOG+DAAWO: Farmaajo oo Qadar ka helay 1.1 Million, joojinta saldhiga Militari UAE...

XOG+DAAWO: Farmaajo oo Qadar ka helay 1.1 Million, joojinta saldhiga Militari UAE ee Ber bera oo lagu heshiiyay & Meydka wariye Khashogi oo..

0
SHARE

Qaar ka mid ah warbaahinta Khaliijka ayaa daabacay in Dowladda qadar bixisay lacag dhan $1.1 Million oo dollar si loo joojiyo dhismaha saldhiga Militari uu imaaraadka Carabta ka dhisanayo magaalada Ber bera ee Somaliland.

Sida warbixintu ay sheegeyso lacagtaan ayaa la siiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loo soo marsiiyay Fahad Yaasiin oo ah taliye ku-xigeenka Hay’adda NISA & isku xiraha Villa Soomaaliya iyo Xukuumadda Doha.

Ku dhowaad 44/% lacagtan $1.1 Million ee Qadar ay siisay Dowladda Soomaaliya ayaa loogu talagalay in lagu bixiyo hannaan sahlaya in si dhaqsi ah loo joojiyo loona bur buriyo Heshiiska dhexmaray Maamulka Somaliland ee ku aadan dhismaha saldhiga Ber bera iyo waliba mashaariicda ay Shirkadda DP World ay ka wato Dekadda magaalada Ber bera.

                    Halkaan Hoose Ka Daawo Wararka:-

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE