XOG: Yaa Ka Dambeeyay Madaafiicdii Lagu Garaacay Xalane?

0

Warqaad Media ayaa heshay xog aan caadi ahayn, islamarkaana ku saabsan duqeyntii maanta lagu qaaday xarunta Xalane ee Muqdisho, kadib markii madaafiic culus lagu garaacay halkaasi.

Hoobiyayaasha ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ka dambeeyaan, hase ahaatee xogta ayaa waxay sheegeysaa in arrin siyaasadeed ahayd duqeyntii maanta oo aanay Al-shabaab shaqo ku lahayn.

Halka laga tuuray Hoobiyeyaasha oo ah bartamaha Muqdisho ayaa ah meel aanay marnaba maalin cad Al-shabaab iney wax ka tuuraan iska daayee aanay awoodin in habeen xitaa ay wax ka gamaan.

Sidoo kale, Hoobiyeyaashan ayaa la aaminsan yahay in siyaasiyiin Soomaaliyeed ay ka dambeeyaan, maadaama dalka xaaladdiisa siyaasadeed ay ad u kacsan tahay.

Muqdisho ayaa wax walbo laga filan karaa xilli walbo, iyadoo Shabaab iyo shirkado kale oo calooshood u shaqeystayaal ah ay geysan karaan qaraxyo iyo duqeyn la mid ah tii maanta oo kale ah.

WARQAAD MEDIA
MUQDISHO, SOMALIA