XOG: Mas’uul xil sare ka hayey NISA oo maalmo ku xiran Muqdisho

0

Sida laga soo xigtay qeyb ka mid ah qoyskiisa sargaal katirsan Hay’ada NISA ayaa muddo ka badan isbuuc waxa uu ku xiran yahay guri ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Sargaalkaasi oo lagu magacaabo Cabdisalaan Cali Xaashi, ayaa muddo katirsanaa madaxda ugu shaqada badan Hay’ada NISA, isagoo xilligii Fahad Yaasiin xarunta habar khadiijo ka howlgeli jiray uuna xafiis ku lahaa.

C/salaam ayaa waxa uu hore usoo noqday madax uga soo noqday Waax muhiim ah oo hoostagta Taliska Hay’ada NISA iyadoo weli la ogeyn waxa loo xiray.

Ehelada C/salaam Xaashi waxay sheegeen in muddo isbuuc ka badan ay raadinayeen xogtiisa oo taleefoonadiisii qaar dansan iyo kuwo la qabaneynin iskugu jiraan ay markii dambe ogaadeen inuu xiran yahay.

Sargaalkaan ayaa ka shaqeynayey muddooyinkii dambe qeybta cusub ee Hay’ada NISA, ee kudhaw Xabsiga,godka Jilicoow waxaana eheladiisa ay xaqiijiyeen in lagu xiray Amar uu baxiyey Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad.

C/salaam Cali Xaashi, ayaa lagu xiray goob qarsoodi ah, xildhibaano katirsan golaha shacabka oo xarigiisa kadib dabagal kusameeyey ayaa loo diiday in ay utagaan, iyadoo aan cadeyn sababta loo xiray, waxaana xogaha qaarkood ay sheegayaan in loo heysto kamid ahaanshiyaha saraakiisha NISA wada shaqeynta la lahaa Fahad Yaasiin.

Mahad Salaad ayaa baaris gaar ah ku bilaabay Kiiska Ikraan Tahliil cid walbo oo loo arko inay xarunta ka shaqeeneysay waxna ka ogaan karto maqane Ikraan iyo arinteeda ayuuna si gaar ah uga socdaa dhaq dhaqaaqooda,halka qaarkood saraakiishii hore Hay’adda ay hore uraaceen Fahad oo Turkiga saldhigtay.