Home WARARKA XOG: Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland oo Digniin culus ujeediyay Madaxweyne Farmaajo

XOG: Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland oo Digniin culus ujeediyay Madaxweyne Farmaajo

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Xildhibaanada ku jira Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee kasoo jeeda deegaanada Somaliland kasoo horjeesteen in la jaro lacagaha deeqaha ee la siiyo maamul gooni isutaaga doonaya ee Somaliland.

Xildhibaanada labada gole iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Somaliland ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay kaga hor yimaadeen qorshaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ay lacagaha deeqaha ee Beesha Caalamka siiso Soomaaliya kaga joojineyso Somaliland.

Masuuliyiintan ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuusan ku deg degin arintan, iyagoo kaga digay dhib kasta oo ka yimaada inuu isaga masuuliyadeeda qaadi doono, maadaama ay sii xumeyn karto Wada hadalada lagu doonayo in la iskugu soo dhaweeyo labada dhinac oo dhowr jeer ooh ore Shuruudo adag u fashilmay.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la ogeyn Talaabada xigta oo ay qaadi doonto Dowlada Soomaaliya oo warqad codsi ah u dirtay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay taasoo ay ku codsaneyso in la joojiyo Lacagaha deeqaha ee la siiyo Somaliland.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE