XOG: Xildhibaan Shaacir Sheegow oo kar karinaya mooshinka Qoor Qoor & kulamo…

0
18

Waxaa socda qaban qaabada kulan ay wada yeelanayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug oo uu hogaaminayo Xildhibaan Shaacir Sheegoow Maxamed iyo guddiga Badbaadinta Galmudug.

Ujeedda kulanka ayaa weli la shaacin balse waxay u badan tahay in loogu hadli doono kulanka qaabka ugu haboon ee lagu toosin karo hogaanka Galmudug iyo xalinta tabashooyinka jira.

Weli waxaa la isla meel dhigin halka uu kulanka ka dhacayo, warar kala duwan oo la helay ayaa sheegaya in 3 magaalo mid uun lagu qaban doono Magaalooyinka Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Maalmihii u dambeeyay waxaa soo xoogeysanayay mooshin la doonayo in xilka looga tuuro madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, kaas oo ay wadeen qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug.