XOG: Xasan Sheekh oo xisbigiisa jago sare ka helaya gudoonka Aqalka Sare

0

Iyadoo dhawaan lagu wado in lasoo gaba gabeeyo kuraasta harsan aqalka sare ayaa waxa hadana xusul duub loogu jiraa gudoonka sare cida qaban doonta.

Xog hoose oo warqaad heshay ayaa sheegeysa in Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha aqalka sare uu heli doono C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

Xisbiga UPD ee xasan sheekh hogaamiyo ayuuna katirsan yahay Fartaag waxaana uu saaxiib dhaw la yahay in dib loo doortana kala shaqeeyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Sida la qorsheeyey waxaa macquul in Fartaag uu helo xilkaan islamarkaana booskaan waxaa hore ugu fadhiyey Mowliid Xuseen Guhaad oo laga reebay inuu sanadkaan kursiga seneternimo kusoo baxo.

Tani ayaa guul usoo hoyatay noqon karta Xisbiga UPD ee xasan sheekh hogaamiyo hadii sida loo dhigayo Fartaag kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare noqdo.