XOG: Xagee wax marayaan heshiiskii la qoray Rooble & Farmaajo ee dib loo dhigay?

0

Fashilka ku yimid heshiiska madaxweyne Farmaajo & R/wasaare Rooble ee la doonayey in habeen hore lasoo bandhigo ayaa hadana dib loo dhigay in la shaaciyo qoraalka laga diyaariyey heshiiskaasi.

Ilo wareed ka ag dhaw dhinacyada waan waanta waday waxay warqaad usheegeen in farmaajo iyo Rooble ay labaduba diyaar u noqdeen in la dhameeyo khilaafka xargaha goostay ee ka dhex jiray.

Si looga hortego dib udhac ku yimaada arimaha doorashada ayaa waxa mar keliya siraha qaar ee shirka waxa dusiyey qeybtood koox ka mid aheyd kuwa waan waanta waday.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor,Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo ergo ka socotay R/wasaaraha ayaana wakhti badan geliyey in lasoo afmeero khilaafka jiray.

Hase ahaatee waa lagu kala booday markii shaki uu yimid iyo macaash doonayaal ay u arkayeen inay dantooda kaga raadiyaan isku soo dhaweynta labada mas’uul.

Kiiska Ikraan Tahliil oo ah ubucda ugu weyn ee khilaafka ayaa xal laga gaaray,iyadoo Wasiirka Amniga Ee Rooble magacaabay ayaa boos kale loo weecinayaa,iyadoo Agaasimaha cusub ee NISA qof la isla ogol yahay laga dhigi doono.

Waxa loo ballamay in shirka isku soo dhaweynta sii socdaan si aan quus loo gelin Shacabka Soomaaliyeed oo waan waanta socota rajo ka qaba.

Wasiirada qaar ee Rooble ka ag dhaw ayaa yadadiilada ay qabaan waxay tahay in heshiis la gaaro,iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in warbaahinta qaranka dib looga dhigo mid hay’adaha usiman oo wararka dhinac gaar ah laga tebin.

Rajada laga qabo waa in heshiiskii la diyaariyey la shaaciyo balse ay ka horeyso in wadajir Farmaajo iyo Rooble u ayidaan in khilaafka dhamaaday oo la isa saamaxo.