XOG: Wasiiro Dhabarka Xejiyey Gudoomiye Muudeey & Kuwo Xabadka U Garaacday

0

Maanta markii uu dib ugu soo laabtay Gudoomiye Muudeey Magaalada Muqdisho waxay ka dhigneyd Safarkiisa mid Abuuray Xamaasad siyaasadeed oo hor leh.

Kulamo deg deg ah ayaa durba bilowday Duhurnimadaan,taas oo looga hadlayo Mooshinka laga gudbiyey C/weli Muudeey.

Afhayeenka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka aar gudanaya Muudeey markii Mooshinka laga gudbiyey waxa uu ka mid ahaa Xubnihii sida weyn ugu olo leeyey in Mursal La rido.

Inkastoo Wasiirada qaar ay ku kala jabeen taageerida C/weli Muudeey oo ah Gudoomiye kuxigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka ayaa hadana waxa la leeyahay waxa uu sameenayaa difaacasho kursigiisa.

Muudeey ayaa kasoo laabtay Dalka Turkiga maanta oo Talaado ah isagoo sheegay in wax culeys ah uusan ku aheyn Mooshinka.

Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheyre waxay doonayaan inay Muudeey meesha ka saaraan,balse Wasiiro ay Khadiijo Maxamed Diiriye ka mid tahay waxay la safteen C/weli Muudeey.

Ma cada 15-ka bishaan marka uu furmo Golaha Shacabka kulamadiisa iyo sida ay Mooshinkaasi ku dhamaan doono,xilli la leeyahay Muudeey waa loo tashaday in la rido.