XOG: Wasiirada Cusub Ee Galmudug Oo Saacado Kadib La Filayo In Lagu Shaaciyo

0

Sida ay inoo sheegeen Warar lagu kalsoon yahay waxaa la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada Cusub Ee Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa Ilaa Habeen Dambe laga dhursugayaa inuu shaaciyo Liiska Golaha Wasiirada Cusub.

Dhuuso mareeb waxaa kusugan Siyaasiyiin Xildoon u ah Jagooyinka Wasiirada Cusub Ee Galmudug,kuwaas oo kulamo iyo xod xodasho ka waday Madaxtooyada Madaxweyne Qoor qoor.

Sida ay inoo sheegeen Ilo ka ag dhaw Madaxweynaha Galmudug ayaa la rajeenayaa in lagu dhawaaqo Gole Wasiiro kooban,taas oo Xubno Caan ah inay kasoo dhex muuqdaan laga yaabo.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor ayaa 2 bishii Labaad Ee Sanadkaan 2020 loo doortay Madaxweynaha Maamulkaasi,waxaana uu ka dul qaaday Xilkaasi Murashaxiin Mucaaradka u badnaa inkastoo aysan la tartamin oo ay Doorashada ka baaqsadeen markii ay sheegeen in ay ucuntami weysay sida loo wajahay Xaalada Jirtay iyo Kushubashada la rabay.