XOG: Wararkii udambeeyey Dhufeysyada Ciidan Ee Muqdisho waxa ka cusub

0

Warqaad ayaa heshay warar lagu kalsoon yahay Oo ku Aadan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira Muqdisho.

Xalay waxaa lagu sigtay in dagaal dhaco markii Farxaan Qaroole iyo Saraakiil kale ay isku dayeen in ay weeraraan Saadaq Joon iyo Ciidanka kusugan Siigaale iyo Barmuudo.

Waan waan la galay ayaa lagu hor istaagay dagaal dhaca xilli todobaadkii hore qalalaaso cabsi gelisey Dawlada xamar laga dareemay.

Senetor Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhag dheer) ayaa hakiyey isku dhac yimaada kadib markii Kabtan Muumin Ciise Oo isku heyb yihiin uu lasoo goosto mucaaradka ku biiray.

Ciidamada mucaaradka ayaa weli waxay kusugan yihiin fariisimaha dagaal Muqdisho iyadoo xaalada ay umuuqato mid weli cabsi ah.

Ra’iisal wasaaraha Dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu wadaa qorshaha lagu celin lahaa xeryahooda.