XOG WARAN: Ma Dhab-baa in Ahlu suna Ciidankeeda ku wareejisay DF?+(Bilow ilaa & dhamaad sida heshiiskan ku yimid)

0

Kooxda Ahlu suna ee magaalada Dhuusa-mareeb ayaa maanta si rasmi ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu wareejisay ciidankeedii si loo qarameeyo loona siiyo tababar & qalab ay ku shaqeeyaan.

R/wasaare Kheyre,xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda Federaalka,Madaxa Xukuumadad Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa ku sugnaa ay ka dhaceysay munaasabada wareejinta Ciidanka Ahlu suna.

Inkastoo wax cusub ahayn in Ahlu suna wareejiso Ciidankeeda si loo qarameeyo haddana su’aasha ugu badan ee dadka isweydiinayaan waxay tahay ” Illaa iyo intee ayuu sii shaqeyn karaa heshiiskan,mase ka dhabeyn doonaan Madaxda Ahlu suna in Ciidankooda ka mid noqdaan kuwa Xoogga dalka,” maadaama horay heshiis ceynkani oo kale u dhacay sanadkii 2013-kii.

Dadka siyaasadda Odorosa ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid horseedeysa ciidan Xoog leh Soomaaliyeed iyo horumarka laga gaaro dhanka amniga.

Ahlusuna ayaa ciidankeeda ku wareejisay dowladda Federaalka, iyadoo munaasabada lagula wareegayay ciidankaas uu Ra’iisul Wasaare Kheyre kaga dhawaaqay in Ciidamadan la qarameyn doono, tababarna la siin doono.

Bishii Agosto ee sanadkii 2013 ayay aheyd markii Ahlusuna ay ciidamadeeda xilligaas ku wareejisay dowladdii hore uu hoggaaminayay Xasan Sheekh, waxaana xilligaas munaasabada wareejinta ciidanka ka dhacday Xerada 21aad oo lagu soo bandhigau Ciidamadii iyo gaadiid dagaal.