Xog Waran: Kenya oo la Ogaaday Ujeedka Qarson ay ka leedahay Dagaalka Somalia

0

Dawladda Kenya iyadoo sii wadda cadaadiska ay ku hayso Somaaliya, si Soomaaliya uga noqoto dacwadda badda ee taal Maxkamadda ICJ,  ayay waxay dib u soo celisay:

In diyaaradaha ka imaanaya Soomaaliya laku hakiyo Wajeer.

In garoonka diyaaradaha ee Nairobi ay ka celiso siyaasiyiin Soomaali ah oo ka qayb gali lahaa shir Midowga Yurub uu soo qaban-qaabiyay, oo ka dhici lahaa Nairobi.

Sidoo kale waxay bilowday inay xiriir wanaagsan la yeelato Maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, ee iski madax banaanida ugu dhawaaqay, si u kala dhantaasho midnimada Soomaaliya.

Hadda maxay tahay sababta ay mar kale Kenya cirka ugu shareertay xiisaddii colaadeed ee markii horaba ay iyadu bilowday, ka dib markii labada dawladood ku heshiiyeen in la dajiyo xiisadda, xiriikii labada waddana sidiisii hore lagu soo celiyo?

 

Sua’ashaan jabaawteeda siyaabo badan loo dhigay, laakiin anigu waxan rabaa inan saddex dhinac ka eego.

 

Dawladaha gancanka carbta oo siyaasad iyo dano strategic ah oo qoto dheer ka leh bur-burinta jiritaanka Soomaaliya, si ay iyagu u xukumaan dhaqaalaha iyo siyaasadda bariga Africa iyo Yemen, kana waayay danahaas gaarka ah dawladda hadda ka jirta Soomaaliya, ayaa waxay go’aansadeen inay adeegsadaan Kenya, Ethiopia, Eretria iyo dawlado kaleba, si awoodda dawaldda Soomaaliya loo daciifiyo, midnimadeedana khal-khal loo galiyo.

Dacwadda baddu waxay maxkamadda la tiil ilaa iyo 2012-kii wax dhib ahna ma dhex ool labada waddan muddadaas dheer. Waxa keliya oo is baddalay waa dhaqaalaha xulafada UAE ay ku soo harqiyeen dawladaha deriska la ah Soomaaliya.

Arrinta kale oo muhiimka ah in la fahmo u baahan waxa weeye isu diyaarinta Kenya ay isu diyaarinayso go’aanka maxkamadda ICJ oo la filayo inuu garta u xukumo Soomaaliya. Maadaama Kenya ay filayso inay ku guul darraysan doonto dacwadda waxay rabtaa inay dareenka iyo bisaylka siyaasadeed ee shabkeeda u diyaariso samir-siin, una muujiso inay dawlad ahaan aysan wax dadaal ah la harin oo Soomaaliya ay si adag ula dhaqantay si ay u cadaasiso laakiin iyada oo sidaas u dadaashay haddana gartii laga helay, khasabna ay tahay in la aqbalo go’aanka maxkamadda. Haddii aysan dawladda Kenya si adag ula dhaqmin Soomaaliya ka hor go’aanka maxamadda waxaa dhici karta in shacabka Kenya ay ku kacaan dawladda ama khilaaf siyaasadeed oo bur-bur keena uu soo kala dhex galo shacabka, laamaha dawladda iyo reerka talada waddaka gacanta ku haya.

Maxaa la gudboon Soomaaliya?

Talaabada ugu horraysa ee Soomaaliya qaadi karto waa in aysan ka qayb galin shir dambe oo lagu qabanayo Kenya, ciddii rabta ha soo diyaarisee. Go’aankaani waa inuu noqdaa mid aan la baddali karin, xitaa haddii xukuumad kale Soomaaliya qabato.

Shirkii aan Soomaaliya lagu qaban karin waxaa lagu qaban karaa waddamo ay ka mid tahay Rwanda.

In Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiiradu xaasaskooda ka raraan Kenya

Hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Soomaaliya oo aan wali u soo guurin waddanka waa in laga mamnuuco inay waddanka ka shaqeeyaan.

Siyaasiyiinta, shaqaalaha ka shaqeeya laamaha kala duwan ee dawladda, waa inay transit-ka safarradooda ka leexiyaan Nairobi oo ay u leexiyan Ethiopia ama waddamo kale.

Waa inay Soomaalidu yareeyaan maal gashiga ay ku sameeyaan Kenya maadaama hantidooda iyo nabad galyadooda midna uusan sugnayn.

In la joojiyo Visooyinka la siiyo dadka Kenyanka ah ee ka shaqeeya hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala Soomaaliya.

Ugu dambayn wa in la joojiyo ganacsiga Qaadka ka yimaada Kenya, kaas oo sanadkiiba Kenya ka samayso 30 billion oo dollar, Soomaaliyana aysan wax faa’ido ah ku qabin.

Soomaaliya ma Cadow Bay u Tahay Kenya?

Qof kasta oo Soomaali ah oo aad waraysato wuxuu kuu sheegayaa in shacabka Kenya ay yihiin dad aad u wanaagsan, laakiin dawladda Kenya ay si adag ula dhaqanto Soomaalida deggan ama booqata Kenya. Soomaalidu waxay aaminsan yihiin in Kenya tahay dawlad aysan kala maarmin oo ay aad isugu dhow yihiin, ayna wadaagaan deegaan, dad, ganacsi, iyo maal gashi intaba.

Laakiin fikirka Kenya ka qabto Soomaaliya waa mid cuqdad cadaawadeed huwan sidii uu sheegay madaxwaynahii hore ee Kenya. Madaxwayne Arap Moi wuxuu yiri Kenya marna oggolaan mayso in Soomaaliya ka dhisanto dawlad dambe oo awood leh. Sidaas oo ay tahay, Soomaalidu aad ayay u maal gashatay Kenya, cadaawad gaar ahna uma hayaan dadka iyo dawladda Kenya midna.

Gabo-Gabo

War iyo dhammaanti, adduunka maanta aan ku nool nahay ninkaan wax dulmin isagaa la dulmiyaa ee waa in aan feejignaanteena sare u qaadno, had iyo jeerna heegan u ahaanaa ilaalinta danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed, anagoo ilaalinayna xuquuqda shucuubta iyo dawladaha aan deriska nahay, laakiin isla markaa aanaan oggolaan xad gudub lagu sameeyo xuduudaha, madax banaanida iyo jiritaanka Soomaaliya.

Allow Sahal Libaax Seexday Baa Niman Salaaxeene!

W/Q: Axmed Bashir

bashir163@gmail.com, @bashir1631

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Warqaad