XOG: Villa Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadleysa Kiiska Ikraan Tahliil

0

Sida la filayo saacadaha soo socda markii ugu horeysay madaxtooyada soomaaliya ayaa seddex bil kadib lagu wadaa markii koobaad ay ka hadasho kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Gabadhaan oo la waayey raq iyo ruux 26-kii Juun sanadkaan ayaa dhawaan qoraal lagu daabacay bogga SNTV waxa lagu sheegay in Al Shabaab ay ugacan gashay kadibna ay dileen.

Khilaaf ka dhashay Arintaas ayaa sababay in ay isku xumaadaan Madaxweyne Farmaajo & R/wasaare Rooble markii xilka laga qaaday Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin islamarkaana Wasiirkii Amniga Xasan Xundubeey laga qaaday.

Inkastoo la ogeyn waxa Villa Soomaaliya ka dhihi doonto kiiska ikraan oo markii uhoreysay ka hadli doonto hadana waxaa loo dheg taagayaa qaabka ay uga hadasho.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Warqaad usheegay in Madaxtooyada gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo laga diyaarinayo warqad arintaan looga hadli doono caawa lana soo gudbin doono qoraalkaasi.