Home WARARKA XOG: Somaliland oo Aqbashay Xabad Joojinta Beesha Caalamka Halka Puntland ay Shuruud...

XOG: Somaliland oo Aqbashay Xabad Joojinta Beesha Caalamka Halka Puntland ay Shuruud ku xirtay

0
SHARE

Sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi, Maamulka Somaliland ayaa aqbalay qorshe ay wadeen Qaramada Midoobay iyo IGAD oo ah in marka koowaad laga sameeyo xabad joojin rasmi ah Tukaraq islamarkaana la bilaabo in la wada hadlo.

Hase yeeshee Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa qorshahaas diiday islamarkaana shuruud ku xidhay.

Warku wuxuu sheegay in Mr. Gaas uu shuruud ka dhigay in dawladda Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo deegaanka Tukoraq, ka dibna la bilaabo xabad joojin iyo wada hadal.

Talaabadan Puntland, ayaa warku wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ku noqday caqabad islamarkaana ay la yaabeen shuruudaas uu Cabdiweli Gaas ku xidhay xabad joojinta, waxaanu warku sheegay in la filayo in Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD ay go’aan ka gaadhaan arrintan.

Dawladda Somaliland ayay ku ammaaneen Qaramada Midoobay iyo wadamada IGAD sida ay u aqbashay soo jeedintooda nabadeed.

Dalalka IGAD ee qaramada midoobay ka caawinaya nabad ku soo dabaalista deegaanka tuko­raq ee gobalka sool, waxa u horaysa dawladda Itoobiya.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE