Home WARARKA XOG: Sirdoonka Somalia oo Ogaaday Xeelado Layaab leh oo Al shabaab ay...

XOG: Sirdoonka Somalia oo Ogaaday Xeelado Layaab leh oo Al shabaab ay ku galaan Buuraha Galgala

0
SHARE

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay xog dhinaca amaanka ah siisay Maamulka Puntland taas oo la xiriirta in Al-shabaab ay ku wajahanyihiin Buuraleyda Goolis.

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay Hay’adda Sirdoonka Puntland u soo gudbisay in boqolaal ka mid ah Al-shabaab oo doonaya in ay galaan Buuraleyda Golis ku wajahanyihiin degaannada Puntland

Sarkaalkan oo Magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in xogta la siiyay ay muujineyso in xubnaha Al-shabaab ee ku wajahan Golis ay shacab ahaan ku gelayaan degaannada Puntland kaddibna ku biirayaan faraca AL-shabaab ee Golis ka howlgala.

Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah geysay koontaroollada laga galo degaannadeeda waxaana ay baaritaan dheeraad ah ku sameynayaa dadka iyo gaadiidka galay.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in ay ka feejigan tahay Ciidamo iyo saraakiil dhawaan la sheegay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab kuna jeedaan Gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo dhinaca Puntland.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE