XOG: Sirdoonka Imaaraadka Oo Qorshe Halis Ah Ka Fuliyey Soomaaliya

0

Imaaraadka Carabta ayaa aad u doonayey fulinta qorsheyaal aad u halis ah, kuwaasi oo lagu doonayey in lagu qalqalgeliyo dowladnimada Soomaaliya, wixii ka dambeeyey markii xilka madaxweyne loo doortay Farmaajo.

Imaaraadka ayaa u arkay in Soomaaliya wadada ay ku socoto aanay isaga dan ugu jirin, sidoo kalena wuxuu aad ugu dedaalayey in meesha uu ka saaro kaalinta Turkiga.

Mar haddii Imaaraadka uu maalgashi ku sameystay dalalka gobolka, Soomaaliyana uu fashil kala kulmay wuxuu u arkay in taasi ay ka dhigan tahay in awoodiisa gobolka uu la wareegi doono Turkiga.

Hadaba Imaaraadka ayaa Muqdisho ku aas-aasay shabakad Sirdoon oo aad u adag, waxaana shabakaddaasi loogu talagalay iney dalka qalqal siyaasadeed geliso.

Ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in xubnaha sirdoonkan ay aad ugu dhex milmeen siyaasadda Soomaaliya, walibana ay ku dedaaleen in dalka qas siyaasadeed uu galo.

Waxyaabaha cajiibka ah ayaa waxay tahay in Imaaraadka uu doonayey in dalka aanu ka dhicin doorasho waqtigeeda ah, waxaana uu la kaashaday arrintaasi dowladda Kenya, si fowdo u dhacdo.

Waxa uu malaayiin doolar ku siiyey xubno ka mid ah mucaaradka DFS iyo sidoo kale dowladda, si madaxweyne Farmaajo u noqdo nin dalka wax u qaban waayay, doorashadana ay gaarto illaa bisha May.

Kenya ayuu faray in marka qaska siyaasadeed uu ka dhacdo Soomaaliya in iyana ay soo rogto socdaalka dalkeeda ay ku tagaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa tartan aad u adag waxa uu kula jiraa dowladda Turkiga, wuxuuna diidan yahay in dalka ay horumar ka sameyso, isagoo eeganaya danahiisa gaarka ah.

WARQAAD MEDIA
MUQDIHO, SOMALIA