XOG: Siciid Deni oo ka digay Farmaajo & Murashax Kale in madaxweynaha loo doorto

0

Madaxweynaha Puntland ahna murashax madaxweyne siciid cabdullaahi deni ayaa ololaha doorashadiisa madaxtinimada dalka hoos udhac laga dareemay.

Deni oo si cad usheegay dhawaan inuu isku soo taagay is hortaag uu ku sameeyo farmaajo dagaal siyaasadeed muuqdana ku haya ayaa hadana iminka wajahay culeys hor leh.

Siciid Deni ayaa xildhibaanada uu soo saartay codkoodana ku xisaabtamayo ku war geliyey inaysan farmaajo marnaba dooran.

Iyadoo sidaas uu leeyahay deni ayuu hadana kaga digay in Farmaajo kasokoow Kheyre isna aysan codka siinin,waana murashax kale uu sheegay inuusan taageeri doonin in la doorto.

Marka uu sidaas leeyahay siciid deni waa inuu kala jeedo hadii wareega labaad ugudbi waayo codka xildhibaanada uu heysto ujiheyn doono jid kale waana ay muuqataa in Xasan Sheekh Maxamuud siin doono sida lasii fahamsan yahay.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku tashanaya inuu wareega labaad gaari karo balse wareega seddexaad ayaa adag inuu ka gudbi karo sida la sheegayo.

Deni ayaa ka hor yimid inuu taageero umuujiyo Xasan Cali Kheyre,iyadoo lasoo warinayo in xildhibaano laga soo doortay Puntland ay ku biireen ololaha dorashada Kheyre.

Awal qorshahu waxa uu ahaa marka koobaad xildhibanada qayb in loo wareejiyo Kheyre loona geeyo sida xildhibaanada hadda la jira balse hadda xaruntiisa gudaheeda toos loogu bareero Kheyre ku dhamaada xildhibanada mid mid dhegta loogu sheego lacagta loo balan qaado Plan B waa arin khatar ku ah qorshaha Deni inuusan toos u cadayn PLAN B Ragna RW doonayaan.

Xildhiban saaka aan la hadalnay dadka dani ugu aamisan yahay ayaa sheegay inuu wajahayo culeys ballaaran oo dhowr jiho kaga imaanaya.