XOG: Shirqoolka Cusub Ee Abiy Ahmed & Farmaajo Oo Kuwajahan Asmara

0

Xog ay Heshay Warqaad ayaa sheegeysa in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku wajahan yahay Dalka Ereteria.

Kulan ayuu Farmaajo kula yeelan doonaa Isbuuca Dambe marka uu tego Asmara Dhigiisa Dalkaasi Assias Afewerki.

Madaxtooyada Soomaaliya ilo lagu kalsoon yahay oo ka shaqeeya halkaasi ayaana inoo sheegay in safarkaasi uu jiro Madaxweynaha ku gaarayo Ereteria.

Waxa Sidoo kale la filayaa in Abiy Ahmed Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo hadda kusugan Dubai uu ku biiro shirkaasi Asmara ka furmaya 18 bishaan ilaa 20 Bishaana socon doona.

Waxa ugu weyn ee laga hadlayo ayaa ah sidii iskaashiga loo soo xoojin lahaa,waxaana markaan dhaqaale kubixineysa Shirkaasi Dawlada Imaaraat-ka Carabta.

Yoolka ugu weyn Ee Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya waa inay Turkiga ka saarto oo kadibna Qatar laga gacan bixiyo Naas nuujinta ay ka heysato Villa Soomaaliya.

Falsafadaas oo dhan waxay uhoos galeysaa boos banaana la rabaa in laga siiyo Sacuudi Carabiya iyo Imaaraat-ka oo saaxiib dhaw Itoobiya la ah.