XOG: Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo berri wadajir safar gelaya & Ujeedkooda

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada taariikhiga ah ee Cadale Gobolka shabellaha dhexe.

Madaxweynaha oo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayo ay isugu jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano heer federaal, xubno labada gole ee Dowlada Hirshabeelle Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Saraakiil iyo Marti sharafta kale waxaa si wayn u soo dhoweeyay bulshada iyo Maamulka Degamada Cadale.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo degmada cadale waxauu kalamo kala duwan la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada Cadale.

Berri oo khamiis ah waxaa Cadale ku wajahan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sida ay inoo xaqiijiyeen xubno katirsan Xisbiga UPD.

Warar kale ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu safarkaasi qeyb ka noqon doono,oo ay tegi doonaan Labada Murashax deegaano dhowr ah oo ku yaalla Sh/Dhexe.

Olole doorasho oo xoog leh ayaa dalka uu galay iyadoo maalmo kadib toos ay ubilaabanayaan doorashada uguna soo horeyso 25-ka bishaan oo Axad isbuuca soo socda ah ay Aqalka sare doorashadeeda bilaaban doonto.