Home WARARKA XOG: RW Kheyre oo ku wajahan Kismaayo(Maxaad ka Ogtahay Ujeedkiisa gaarka ah)

XOG: RW Kheyre oo ku wajahan Kismaayo(Maxaad ka Ogtahay Ujeedkiisa gaarka ah)

0
SHARE

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Maamulka Jubbaland.

Illo ku dhow Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay safarka Ra’iisal wasaare uu ku tagayo magaalada Kismaayo,halkaasi oo uu kula soo kulmi doono madaxweynaha Jubbaland,Axmed Madoobe,Waxgaradka iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan.

Inkastoo si dhab ah loo hubin Ujeedka rasmiga ah ee safarka Ra’iisal wasaaraha ku tagayo Kismaayo iyo maalinta uu baxayo ayaa hadana waxaa wararka aan heleyno sheegayaan in Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu doonayo in madaxweyne Axmed Madoobe uu kala hadlo Xalinta Khilaafka Iminka ka dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland oo cirka isku sii shareeraya.

Axmed Madoobe ayaa xiriir wanaagsan kala dhaxeyn Xukuumadda Muqdisho,waxaana lagu kala irdhoobay go’aanka Xiisada Khaliijka laga qaatay oo u cuntami waayay maamulka Jubbaland iyo maamul Gobolleedyada kale ee ka jira dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iminka dadaal ugu jirta sidii ay isugu soo dhoweyn lahayd Maamul Gobolleedyada ka duwan aragtideeda go’aanka laga qaatay Khilaafka Khaliijka.

Nagala Soco Youtube Channel - Fadlan Subscribe saar 

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE