Xog: Qadar oo isbedel weyn ku sameysay qorshihii dib u Doorashada Farmaajo & Damaanad Adag oo loo helay In….

0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajoo ayaa la ogaaday in uu lasoo baxay dar dar cusub oo uu ku gelaayo Doorashada soo dhawaatay oo sanadkaan xiiso gaara leh.

Farmaajo oo lagu xagliyo in uu taageero ka helo Dowlada qaniga ku ah shidaalka ee Qadar ayaa hada lasoo shir tegay xeelad cusub oo isla xukuumada Dooxa geed fadhi u tahay.

Qorshahaan cusub ee Doorasha Farmaajo ku gelaayo ayaa ah mid sal adag sida Aan xogta ku helay waxana durbo ka bilowday Maamul Goboleedyada olole xoog leh oo gogol xaar u ah xeelada codeynta soo Aadan.

Sida Qarqaad u sheegeen ilo Aad ugu dhowr xafiisyada MD Farmaajo iyo safaarada Qadar ee Somaliya waxaa si xooli ah ku bilowday dadaalo Dooxa mar kale gursiga ugu sareeya Dalka Somaliya ku saareyo Mudane Farmaajo.

Talabadaan ayaa ah mid saldhig looga dhigaayo Madaxda Maamul Goboleedyada oo si toos ah ula shaqeeynaya villa somaliya xildhibaanada kasoo baxaya 10-ka magaalo ee shanta maamul goboleedna noqdaan kuwo taageersan Farmaajo, iyadoo su’aal la gelinaayo sida tani ku suurta geli karto maadaama Farmaajo iyo Mamulada qaar ishayaan.

Qadar ayaa la sheegay in Madaxda Maamul Goboleedyada ku harqineyso aduun lagaceed sidoo kalena damaanad u noqoneyso Dowlada Goboleedyada qilaafku kala dhaxeeyo Farmaajo hadii uu soo laabto in uusan ka aar guda doonin.

Ilaha xogtaan bixiyay ayaa sheegay in Maamulada sedaxda ah ee xiliyadii dambe ku dhawaa Villa Somaliya horay ka aqbaleen xeeladaan cusub ee Qadar iyo Villa somaliya Doorashada ku wajahayaan hayeesheen ay shaki ka muujiyeen P/land iyo J/land oo markii horeba uu Farmaajo kala dhaxeeyay dagaal siyaasadeed oo gaarumay.

Xogta la helay ayaa intaas raacisay sababta ugu weyn ee Deni u tegay Kismaayo inay tahay wadatashi dheeraad ah oo labada Madaxweyne Goboleed ka yeeshaan doonista cusub ee Dooxa isla markaana siweyn u damaanad qaaday in uu dhamaa doono dagaal siyaasadeed ee Farmaajo deni iyo madoobe kala dhaxeeya hadii ay Doorashadaan kala shaqeeyaan iyadoo ay intaas u dheertahay inay helayaan malaayiin doller iyo mashaariic horumarineed oo laga fulinaayo maamuladooda.

Sidoo kale ilo madax banaan ayaa sheegay in kismaayo ay shalay gaareen saraakiil sirdoon oo ka tirsan Dowolada Qadar kuwaas oo la aminsayahay in arintaan Madaxweyneyaasha p/land iyo j/land kala hadleeen.

Xogta la helay waxa kale oo ay sheegtay in labada Madaxweyne Goboleed ee Farmaajo isku saamiga yihiin lagu qanciyay qorshahaan balse wali ay dhimayihiin wadahadalo dheeraad ah waxana suurtagal ah wax kasta dib iska bedelaan.

Qorshahaan oo horay u jiray ayaa xoowli ku bilowday dhamaadkii shirkii ugu dambeeyay ee Doorashooyinka laguna shaaciyay jadwalka cusub ee codeynta.

Intii aysan muqdisho ka bixin Madax Goboleedyada waxaa kulamo qarsoodi ah oo gaar gaar ah la yeshay Safiirka Dooxa ee muqdisho waxana uu si toos ah ugu soo bandhigay qorshaha dowladiisa ee dib u Doorashada Farmaajo, iyadoo intaas kadib Fahad Yaasiin uu Dadar Aaday sidoo kalena Muqdisho yimaaden xubo sare oo ka socda xafiiska Amiirka xukuumada Dooxa sida warqaad u xaqiijiyeen ilo ku dhow Madaxtooyada dalka looga arimiyo.

Arintaan ayaa siweyn usoo nooleyneysa dib u Doorashada Mudane farmaajo oo hada waqtigu ka dhamaaday, waxana qorshuhu yahay in marka hore lagu dadaalo soo saarista xildhibaano daacad u ah Villa somaliya si uusan Farmaajo ula kulmin tartan adag oo halis geli kara soo laabashadiisa.

Warqaad Group By Dahir Farah