XOG: MW Deni oo shuruudo cusub ku xiray shirka Muqdisho

0

Sida ay ogaatay shabakadda Warqaad madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shuruudo hor leh ku xiray ka qeyb galka shirka wada-hadalka doorashada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Ilwareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha Puntland uu arrintaas ku xiray shuruudo si ka dowlad goboleed ahaan ay qeyb kaga noqdaan wada-hadallada.

Wakiillo ka socda midowga Yurub oo uu Garoowe kula kulmay ayuu u sheegay in uu horay uga digay in dowladda federaalku aynaan diyaar u ahayn in ay dalka ka qabato doorasho.

Shuruudaha madaxweyne Saciid Deni uu ku xiray ka qeybgalka shirka Muqdisho waxaa kamid ah;

  • In beesha caalamku ay goobjoog ka noqdaan shirka, islamarkaana ay damaanad qaadaan fulinta go’aannada ka soo baxa shirkaasi
  • Iyo in shirka ay ka soo qeyb galaan dhammaan saamilayda siyaasadda ee Soomaaliya

Arrintaan ayaa fursad u siinaysa midowga musharrixiinta iyo dhammaan siyaasiyiinta ka aragtida duwan Villa Somalia in ay ka soo qeyb galaan shirka.

Wada-hadallada la filayo in khilaafka doorashooyinka looga hadlo, ee magaalada Muqdisho oo ay dhowr jeer dalbadeen in laga qeyb galiyo wada-hadalladii hore.