XOG: Musharaxiinta 2020/21 u kala safan Imaaraadka & Qatar+(kuwooda saameynta leh)

0

Waxaa sii xoogeysanaya siyaasiyiinta galay olole dibadeed Tan iyo markii la iclaamiyay doorashada iyo jadwalkeeda,waxayna qaar ka mid ah siyaasiyiinta u kicitameen dalka isu tagga Imaaraadka Carabta (UAE)

Imaaraadka ayaa doonaya inuu door weyn ku yeesho doorashada soo socota, si uu meesha uga saaro saameynta Qatar ee Soomaaliya.

Sidoo kale dalka Qatar oo xilligan saameyn weyn ku leh Dowladda Federaalka ayaa la sheegayaa inuu ka fikirayo Musharax labaad, si saameyntooda siyaasadeed ee Soomaaliya u xajisto.

Siyaasiyiinta musharaxiinta ah ee la ogyahay iney taageero weyn ka helaan Imaaraadka Carabta si ugu guuleystaan xilka waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dubai,C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir inkastoo mar la weydiiyay uu beeniyay, C/kariim Xuseen Guuleed, madaxweynihii hore ee Galmudug hadana ah hoggaamiyaha Xisi siyaasadeedka Sahan iyo Siyaasiyiin kale oo qarsoon kuwaas oo la kala xulanayo marka doorashada soo dhowaato.

Sidoo kale, Dowladda Qatar oo hadda saameyn xooggan ku leh Dowladda Farmaajo ayaa sida xogta aan ku helnay sanadkan waxay wadataa siyaasiyiin saameyn ku leh siyaasadda dalka oo ilaa iyo hadda laga xusi karo madaxweyne Farmaajo.

Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo ah isku xiraha Xukuumaddaha Dooxa iyo Muqdisho ayaa sanadkan damacsan shax cusub oo uu markale ku soo saari karo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo mudada uu xilka hayo sameystay cadow badan oo guda iyo dibadba leh.

Doorashada 2020/21 ayaa ka adag tii hore, waxaana xiisaha u sii yeelaya musharaxiin badan oo u ordaya xilka ugu sareeya ee dalka, kuwaas oo qaarkood sanadkii 2016-kii ku fashilmay iney hantaan kursiga looga arramiyo dalka.