XOG: Mucaaradka DFS Oo Qorshe Halis Ah Damacsan

0

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Warqaad u xaqiijiyey in mucaaradka DFS ay xilligan wadaan qorseyaal badan oo halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka, iyaga oo isku dayaya in markaan ay awood kala horyimaadaan dowladda federaalka.

Xogta ayaa waxay sheegeysaa in kulan xalay ka dhacay Xerada Mirnaayo, gaar ahaan halka loo yaqaan garaashka Muuse Suudi Yalaxow iney isugu yimaadeen inta badan xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Kulankaan ayaa ahaa mid qarsoodi ah, wuxuuna socday in ka badan 4 saacadood, waxaana looga tashaday sidii loo wajihi lahaa dolwadda.

Mucaaradka ayaa isku raacay in ay lasoo baxaan awoodooda, islamarkaana u istaagaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen ciidanka DFS.

Waxaa hadda la diyaarinayaa ciidan u badan kuwa Milatariga, walibana waxaa la isku raacay in si beel ahaan loo soo wado ciidamadan, lana diyaariyo hubkii ay ku dagaallami lahaayeen.

Mucaaradka ayaa si ay u helaan mar-marsiyo waxa ay qaban doonaan banaanbax ay sheegeen in lagu diidan yahay Farmaajo iyaga oo aan dowladda wax fasax ah ka qaadan, waxaana markii ay ciidanka dowladda dhankooda soo aadaan difaaci doona ciidamadan.

Muqdisho dadka deggan ayaa aad uga walaacsan xiisadahan iyo dagaallada duhsooda lagu abaabulayo, bedalkii Labada dhinac ka wada shaqeyn lahaayeen horumarka iyo ammaanka.

WARQAAD MEDIA
MUQDISHO, SOMALIA