Home WARARKA XOG: MD Waare oo Wallaac ka muujiyay Xaaladda Amni ee deegaanada Hirshabeelle...

XOG: MD Waare oo Wallaac ka muujiyay Xaaladda Amni ee deegaanada Hirshabeelle & Qorshe cusub oo..

0
SHARE

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa wallaac ka muujinaya isticmaalka Wadada isku xirta magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle iyo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Amniga Wadadaan ayaa maalmihii u danbeeyay sii xumaanayay ka dib markii Al-Shabaab weeraro dhowr ah oo dhaba gal ah ka geysteen,kuwaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Mas’uul iyo askar ka tirsan Hirshabeelle.

Mudane Maxamed Cabdi Waare,madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka qaadayaan Tallaabo kasta oo looga hortagi karo weerarada Al-Shabaab ee wadadaasi,balse loo baahan yahay in si wadajir ah Shacab iyo Maamulba la isaga kaashado.

Ururka Al-Shabaab ayaa joogteeyay weerarada Wadadaasi,isku xirta Jowhar iyo Muqdisho,waxaana ugu danbeysay oo lagu weeraro Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo Labo ka mid ah lagu dilay iyo lix askari oo ilaalo u ahayd.

Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa sidoo kale maritaanka Wadadaasi wallaac ka muujiyay iyagoo u baqay Amnigooda,waxayna fariin u direen Madaxda ugu sareysa Hirshabeelle iney arrintaan si deg deg ah wax uga qabtaan.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE