Home WARARKA XOG: Farmaajo & Kheyre oo shir Albaabada u xiran ka yeeshay Khilaafkooda(Go’aanka...

XOG: Farmaajo & Kheyre oo shir Albaabada u xiran ka yeeshay Khilaafkooda(Go’aanka Imaaraadka iyo Qadar)

0
SHARE

Illo Wareedyo lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre xalay si fool ka fool ah uga wada hadleen kala aragti duwanaha siyaasadeed ay ka qabaan danaha Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Qadar ay ka leeyihiin Soomaaliya.

Kullanka oo ahaa mid Labada mas’uul albaabada u xiran yihiin ayaa waxay diiradda isla saareen sidii lagu xalin lahaa Khilaafka iminka ka dhaxeeya ee salka ku haya arrinta Imaaraadka iyo Qadar.

Sidoo kale,wararka aan ka heleyno kullanka madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in badi la xaliyay kala aragti duwanaantii ka dhaxeysay,waxaana isku afgarteen in wax waliba laga horumariyo danaha Ummadda Soomaaliya,sida Xogta aan ku helnay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa saameyn ku yeeshay Khilaafka Imaaraadka Carabta iyo Qadar,waxayna la kala safteen Labada Dowladood.

Imaaraadka & Qadar ayaa u kala hardamaya Illaha dhaqaalaha gaar ahaan Maalgashiga Dekadaha.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE