XOG: Maxaa looga hadlay kulanka qarsoodiga ah ee dhexmaray Xaliimo Yareey, Xasan & Shariif?

0

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay iney kulan gaar ah oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda ay la yeelatay Hoggaanada Xisbiyada dalka gaar ahaan Madasha Xisbiyada Qaran.

Xaliimo Yareey ayaa sheegtay iney la kulantay madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheikh Shariif oo hadda hoggaamiya midowga Lixda Xisbi ee la magac baxay ” Madasha Xisbiyada Qaran”,waxayna isla meel dhigeen habka doorashada ay ku dhici karta iyo daruufaha ay ku gadaaman.

Waxay sheegtay iney si wanaagsan iskula meel dhigeen arrimaha doorashooyinka 2020/21 iyo walaaca ay ka qabaan iney waqtigooda ay ku dhacaan.

Xasan Sheikh iyo Shariif ayaa wax badan warbaahinta kala hadlay sida ay u daneynayaan doorasho waqtigeeda ku dhacda,islamarkaana ay ka tashadaan dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa lagu eedeeyay iney ku dhex milmeen hoggaanka dalka,islamarkaana ay gabeen shaqadii loo idmaday,waxayna mucaaradka ku baaqeen iney iscasilaan.

Xaliimo Yareey oo baarlamaanka hortagtay ayaa soo bandhigtay labo hab oo doorashada dalka ay ku qabsoomi karto,taas oo u baahan muddo kororsi.