XOG: DF oo safarka Kismaayo ka mamnuucday Siyaasiyiinta & Hoggaamiyeyaasha dalka

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba diiday iney siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta horay xilka uga soo qabtay dalka ay u safraan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Warqad si hoose loogu dusiyay xafiisyada shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala gobolada dalka ayaa lagu wargeliyay ineysan siyaasi iyo mas’uul Dowladeed ka qaadi karin magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada kuwaasi oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo halkaasi oo lagu in lagu qabto xafladda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn kaga soo horjeeda in laga qeyb galo xafladda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland,maadama doorashadii ka dhacay magaalada Kismaayo ku tilmaamay mid afduub & ku shubasho lagu sameeyay.

Xaflada caleema saarka Axmed Madoobe ayaa mar kale dib u dhacday,taasi oo lagu waday in 9-ka bisha oo beri arbaco ag ku beegan ka qabsoonto magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaaladda kismaayo ayaa sheegay in Caleema-saarka Axmed Madoobe la qaban doono marka dhammaan wafuuda ay yimaadaan Magaaladda,halka qorshaha uu ahaa in la qabto 9-ka bishaan.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka digay cadaadista Dowladda Dhexe ku hayso Maamulka Jubbaland.