XOG: Madaxweyne Xasan sheekh oo ku wajahan caasimada Itoobiya

0

Sida ay Warqaad xog hoose ku ogaatay waxaa saacadaha soo socda Madaxweyne Xasan sheekh maxamuud uu geli doono safar dibadda ah,waxaana madaxtooyada Soomaaliya ay xubno ka shaqeeya ay xaqiijiyeen warkaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa ku wajahan caasimada dalka Itoobiya ee Adis ababa,sida la filayana waxaa uu la kulmi doonaa marka uu halkaasi gaaro Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

Lama saadaalin karo waxa kasoo bixi doona is araga labada mas’uul xilli Itoobiya ay ka careysan tahay qadiyada webiga Niil oo ay Masar kala hadashay Soomaaliya taas oo sababtay in mugdi dhinaca xiriirka labada dal uu jiray muddooyinkii dambe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud ayaa isku dayaya ka miro dhalinta hal heyskiisa uu ku shaqeeyo ee ah (Soomaali heshiis ah Dunidana la heshiis ah) taas oo sabab ka dhigeysa in dalalka deriska iyo kuwa danaha Soomaaliya ka shaqeeya inuu saaxiibtinimadooda kor uqaado.

Safarada tirada badan ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska jooga muddo ka yar shan bil ayaa lagu tilmaamayaa mid aan uwanaagsaneyn hab hogaamintiisa siyaasadeed iyadoo loogu baaqay inuu dhiiri gelin ugu tego ciidamada jiidaha hore kusugan ee la dagaalamaya al shabaab,deegaano badana ka saaray todobaadyadii lasoo dhaafay.