XOG: Madaxweyne Farmaajo Oo Qalinka Ku Duugay Dagaal Lagu Qaado…

0

Warqaad Medi ayaa heshay xog ku saabsan weerar culus oo habeenkii xalay ahaa uu qalinka ku duugay madaxweyne Farmaajo in lagu qaado Ururka Al-shabaab.

Waxa uu madaxweynaha faray saraakiisha ciidanka xoogga dalka, in Al-shababa la weeraro iyadoo howlgalka ugu horreeyo ka bilaaban doono dhanka Hirshabelle, maadaama ay maalmahan dambe ahaayeen kuwoo soo noq-noqonayey.

Al-shabaab ayaa isku balaariyey Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana ay go’doomiyeen degmooyin aad u badan.

Taas ayaa keentay in dowladda ay gaarto go’aanka ah in weerar lagu qaado meelaha ay xubnaha ururkaasi ku sugan yihiin.