XOG: Madaxweyne Farmaajo Oo Khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka Qatar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Amiirka dowaladda Qatar,  Shiikh Tamiim bin Xamad Al Thani,  waxaana uu ugu hambalyeyay munaasabadda Ciidda barakeysan ee Ciidul Adxa.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isweydaarsiga halmbalyada kadibna u rajeeyay labada dal iyo dhammaan muslimiinta  caalamka ku dhaqan horumar iyo barwaaqo.

Qatar ayaa ah mid lagu xanto inay dhaqaale badan ku bixiso sidii Nabad iyo Nolol xukunka kusoo noqon lahaayeen,iyadoo culeys siyasadeed uu hadda taagan yahay.

Waxa Farmaajo uu ka walaacsan yahay in Murashaxiinta Mucaaradka ay uheshiiyaan sidaasna codadka ay isku darsadaan oo hal murashax loo tanaasulo isagana laga hor istaago soo laabashadiisa.

Dhawaan waxaa soo baxday in dowladda Qatar ay heshay murashax kale oo hadii Farmaajo ay xaaladu ku xumaato ay kaas usoo saaran laheyd.