XOG: Madaxda Jubbaland iyo Puntland Oo Qasab Lagu Keenayo Muqdisho

0

Si dalka ay uga dhacdo doorasho la isku raacsan yahay, ayaa loo marayaa waddooyin aad u adag, waxaana taasi ay keentay in siyaasiyiinta qaar ka faaideystaan xaaladda qasan ee ka jirta Muqdisho.

Hadaba, Madaxda Jubbaland iyo Puntland waxaa ka dhammaaday dhammaan mashruucyadii ay dib ugu dhigayeen shirka aayaha doorashada, iyaga oo soo saaray boqolaal hadal oo mid walba saameyntiisa leh.

Dhammaan qoraaladoodii waxa ay isugu soo biyo shubteen iney ka baqayaan amnigoodam sidaasi darteedna ay dalbanayaan in shirka lagu qabto Xerada Xalane, waana arrin ay xitaa la cajabeen beesha caalamka.

Hadaba kulamo badan oo ka dhacay Xalane, waxaa la isku raacay in madaxda Jubbaland iyo Puntland lagu cadaadiyo iney shuruud la’aan ku yimaadaan Muqdisho, loona dhammeystiro heshiiskii doorasho ee December.

Soomaalida oo aad mooddo iney ka daaleen ajaaniibta ku kala dhex-jirta, ayaa hadana siyaasiyiintu waxay fahmi la yihiin rabitaanka dadkooda.

WARQAAD MEDIA
MUQDISHO, SOMALIA