Xog laga helay kulankii dhexmaray Midowga Musharaxiinta iyo wakiilada Beesha Caalamka

0

Wakiilada beesha caalamka ayaa maanta kulan la qaatay xubno kamid ah midowga musharixiinta, xili uu weli taaganyahay khilaafka doorashada Soomaaliya.

Kulanka oo ku qabsoomay aaladda la iska arko, ayaa waxaa ka qeyb-galay dhinaca beesha caaalamka, safiirrada Ingiriiska, Midowga Yurub, Mareykanka iyo qaramada Midoobay.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay xog gaar ah oo kulanka looga hadlay iyo shaqaaqooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khilaafka doorashada.

“Waxaan u sheegnay in ciidanka diiday muddo kororsiga ay mahad celin naga wada mudanyihiin, maadaama ay waaqac u turjumeen rabitaankii shacabka, Soomaaliyeed iyo baaqyadii Beesha Caalamka ee ku aaddanaa muddo kordhinta, taasoo uu Farmaajo dhegaha ka furaystay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdirshakuur.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo taageeri lahaa dedaallada uu wado Ra’iisul wasaare Rooble, ee la xiriira qabashada doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Muqdisho-Somalia