Xog laga helay diyaarad meliteri oo wafdi ka socda Dawlada USA ka dejisey Hargeysa

0

Wafdi ka socda Wasaarada Gaashaandhigga waddanka Maraykanka ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Soomaaliland,iyadoo warar dheeraad ah kasoo baxayaan wafdigaasi ujeedkooda.

Garoonka caalamiga ah ee cigaal ayaa waxa caga dhigatay diyaarad nuuca meliteriga ah oo ay la socdeen Wafdiga iyadoo si dhab ah loo ogeyn ujeedkooda ay Soomaaliland utegeen.

Akhbaaraad laga helay saraakiisha ciidanka Soomaaliland ayaa waxay sheegeen in iskaashi dhexmara labada Dawladood ay uyimaadeen wafdigaan ayna arimo dhowr ah isla meel dhigi doonaan.

Wafdiga ayaa lasoo wariyey inuu horkacayey taliyaha ugu sareeya ciidamada Mareykanka ee saldhiga ku leh Magaalada Jabuuti Ee Caasimada Dalka Jabuuti iyadoo qeyb ay ahaayeen wafdigaasi saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin udhashay Dalka Mareykanka.

Warqaad ayaa ogaatay in wafdigaasi ay tegi doonaan goobo la cayimay oo ay ku jirto Dekada ber bera,inta ay Hargeysa kusugan yihiina waxay la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulkaasi.

Bartamihii bishii Maarso sanadkaan ayaa Madaxweyne Biixi iyo wafdi uu hogaaminayey waxay safar maalmo qaatay ku tegeen Magaalada Washington DC isalmarkaana ay la kulmeen Jaalliyada Soomaaliland ee halkaasi ku dhaqan & Xubno katirsan Dawlada Mareykanka.