XOG: Lacagta Xildhibaanada Jubbaland lagu siiyey hoolka Doorashada ka socoto

0

Warqaad oo aad uga barateen soo gudbinta wararka xaqiiqda ku saleysan ayaa heshay akhbaaraad kusaabsan doorashada Aqalka sare Ee Kismaayo ka socoto sida ay wax usocdaan.

Xildhibaanada Jubbaland oo dooranaya Senetorada Aqalka sare ayaa waxay yihiin kuwo qaadanaya lacag si ay codkooda u iibsadaan.

Afarta Murashax ee maanta tartamaya waxa ay ku tiirsan yihiin Axmed Islaam Madoobe oo lacagta ka bixinaya taas oo sababtay in Xildhibaankii ugu horeeyey la doortay uu noqday Ilyaas Gaboose oo saaxiib la ah Madaxda Jubbaland.

Xog hoose oo Warqaad heshay ayaa sheegaya in Xildhibaanada lasiiyey 300 Dollarka Mareykanka hoolka dhexdiisa mid walbana uu codkiisa iibsanayey ka hor inta uusan codeyn.

Inkastoo Maxamed Axmed Sayid uu dedaalay hadana Gaboose oo garab muhiim ah ku tiirsanaa ayaa guusha ay raacday.

Sidoo kale waxaan sii ogaanay in Iftin Xasan Baasto,C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo C/risaaq Maxamed Cusmaan ay soo bixi doonaan,Axmed Madoobana uu ballan qaaday inuu soo saari doono.

Inkastoo guddiga doorashooyinka heer federaal ay goobta kusugan yihiin iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka hadana waxay umuuqataa in doorasho daaha gadaashiisa ay ka dhaceyso Kismaayo.

ISHA KU HAAY WARQAAD.INFO OO HEL WARARKII UDAMBEEYEY