XOG: Kulanka Deni iyo beesha caalamka(Qodobo xasaasiya)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu Madaxtooyada magaalada Garowe kula kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda, kulankaas ayaa diiradda lagu saarey xaaladda guud ee Soomaaliya oo ay kamid tahay arrimaha haatan ka taagan khilaafka doorashooyinka.

Wafdiga waxaa horkacayey ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u fadhiya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, diblumaasiga lagu magacaabo, Nicolas Berlanga Martinez.

Warqaad ayaa ogaatay in madaxweyne Deni uu wafdigani u gudbiyay cabashada ka dhanka ah Villa Somalia iyo eedeymo ka dhan ah Madaxweynaha muddadu ay ka dhammaatay ee Maxamed Farmaajo oo uu tilmaamay in dowladdiisu ay dalka galinayso qalqal amni iyo mid siyaasadeed oo rabshado wata.

Danjireyaasha dalalka Talyaaniga iyo Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Alberto Vecchi iyo Staffan Tillander, ayaa kamid ahaa wafdiga oo si heer sarre ah loogu qaabilay Qasriga Madaxtooyadda.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, Wafdi kasocda Midowga Europe oo uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, ayna ka midyihiin Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: “Kulanka oo ay Madaxweynaha kala qeybgaleen Wasiirada Wasaaradaha arrimaha Gudaha, Qorsheynta iyo Wafaafinta, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya”.