XOG: Kulamo siyaasadeed oo xoog leh oo ka dhacay Muqdisho & R/wasaare Barre oo..

0

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda kulamo siyaasadeed oo ballaaran taas oo siyaasiyiinta qaar iyo xubnaha baarlamaanka ku jira ay ku doonayaan in ay kasoo dhex muuqdaan xukuumada cusub ee lasoo dhisi doono.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Aar ayaa waxa uu kulamadii ugu dambeeyey xalay la kulmay Madaxdii hore ee dalka islamarkaana uu arimo muhiim ah kala soohadlay.

Inay ugu duceeyeen Ra’iisul wasaaraha xilka loo magacaabay kasokoow waxay talooyin iyo waxyaabo hor yaalla ay u iftiimiyeen madaxdaasi Xamse Cabdi Aar.

Waxa uu siyaabo kala duwan ula kulmay Madaxweynayaashii hore ee Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Mr Barre ayaa si gaar ah ula kulmay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Labada aqal dalka qaasatan koox siyaasadeedka loo yaqaano Waaya Arag.

Senetor Cabdi Axmed Dhuxuloow dhag dheer iyo Xildhibaan Golaha shacabka ah Yuusuf geelle ugaas (dhageey) ayaa waxay R/wasaare Xamse ka codsadeen in doorkooda uu fursad kasiiyo Xukuumadiisa cusub.

Si gaar ah waxay udalbadeen in Wasiirkii ay ku lahaayeen Xukuumada dib loo soo celiyo Xersi Aadan Rooble iyo inay helaan jagooyin kale.

Koox siyaasadeedka Waaya arag ayaa waxay dhisayeen doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya 15-kii May dhacday Murashaxii ay wateena uu ahaa Xasan Cali Kheyre.

Siyaasad ahaan kooxda waaya arag iyo qorshahooda cusub ee Xukuumada ay ka damacsan yihiin weli ma jirto inuu wax ka og yahay baa la sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.