XOG RASMIYA: Khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhexgalay Mucaaradka

0

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow midowga musharrixiinta Soomaaliya ayaa shabakadda Warqaad u xaqiijiyay inuu jiro khilaaf siyaasi ah oo soo kala dhex galay gollaha.

Khilaafkani ayaa soo shaac baxay kaddib markii musharrixiinta qaar ay kulamo gaar ah la qaateen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kale ah Galmudug iyo Hirshabeelle.

Doodad ka dhalatay kulamada qaar kamid ah musharrixiintu la qaateen madaxweynayaashaasi ayaa waxaa ay keentay in xubnaha musharrixiinta ah ay tirsadaan inaan laga qeyb gelin kulamadaasi qabsoomiddooda.

Musharrixiinta qaar ayaa ganafka ku dhuftay in xilligani lala kulmo madaxweynayaasha kale ah Axmed Cabdi Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe Xuseen, iyagoo sabab uga dhigaya in ay Farmaajo ku raacsan yihiin qalalaasaha degaanka dadka ay siyaasadda ku matalaan.

Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo ah madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle, ayaa habeen hore la kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyagoo kala hadlay qalalaasihii ka dhacay Muqdisho.

Musharrixiinta kale ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan mucaaradka ayaa Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Kheyre ku qabsaday in ay ka qeyb galaan kulamadaas, iyadoo aan laga tala gelin xubnaha kale ee Golaha Midowga.

Xubnahan ayaa ku dooday in kulamadaas ay ahaayeen qalad inay dhacaay, ayada oo Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay ka aamuseen dhibaatadii ciidamada dowladda ay u gaysteen shacabkii ay ku mataleen siyaasadda dalka, ayaga oo xabadeeyey xilli ay dibad-baxayeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan qarsan dareenkiisa, wuxuuna qoraal uu shalay soo dhigay facebook ku yiri “Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan. Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa.”

Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa ah madaxweynayaal uu kursiga ku fariisiyey Farmaajo, mana la filayo inay marnaba hadal ka dhan ah u sheegaan si shaacsan.