Xog gaara oo ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu dib usoo celiyay qorshe uu ku magacaabayo Taliyaha Hay’adda Nabad sugida, isagoo labo shaqsi midkood doonaya inuu xilkana u dhiibo Taliyahii xilkan iska casilay Xuseen Cismaan Cismaan (Uurkus) iyo Wasiirkii hore ee amniga Qaranka Soomaaliya Jen. Khaliif Axmed Irig.

Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Agaasime kuxigeenka NISA Fahad xaaji Yaasiin ayaa kasoo horjeeda qorshahan, iyagoo doonaya in shaqsiyaad oo ay wataan loo magacaabo xilkan.

Taliye kuxigeenka Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa wada shaqsiyaad kale uu u sheegay Madaxweynaha inay isfahmi karaan isla markaana wada shaqeyn wanaagsan ay dhex mari doonto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kalsooni badan ka muujinaya Irig inuu wax badan ka qaban karo xaaladaha amni daro ee dalka ka jira, isagoo ka mid ah ragii Al shabaab sida weyn ula soo dagaalamay intii laga saarayay magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kale hormuud ka ahaa qorshe dowlada Mareykanka ay ku dishay Hogaamiyeyaal Al shabaab ahaa.

Khaliif Irig ayaa in badan ka soo shaqeeyay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya, Waxaana dad badan ay aaminsan yihiin inuu wax ka qaban karo ammaanka magaalada Muqdisho oo sii xumaanaya iyadoo Al shabaab weeraro is xiga ay ka fuliyeen Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.